Job Openings Fulinta Iibka Goobta

About the job Fulinta Iibka Goobta

FAAH-FAAHINTA SHAQADA

Adigoo qaabilsan suuq geynta adeegyada shirkadda, waxaad mas'uul ka tahay fahamsiinta macaamisha adeegyada kala duwan, xaqiijinta iyo dabagalka macaamilka, sidoo kale gaarista yoolalka suuq geynta ee laguu qoondeeyay.

Waajibaadka waxaa ka mid ah suuq geynta adeegyada shirkadda oo kala duwan, la kulanka macaamiisha, ka warqabka dedaadalada socday, u adeegista macaamiisha wixii maclumaad la xiriira iyo dhameystirka suuq geynta si wafaagsan yoolka laguu qoondeeyey.

Si aad ugu guulaysato doorkan, waxa lagama maarmaan ah in aad leedahay dabeecad hufan, fahan wanaagsan oo ku saabsan habka suuq geynta iyo sidoo kale kalsooni buuxda u leh gudbinta iyo ka dhaadhicinta macaamiisha fariinta suuq geynta.

WAAJIBAADKA WAAWEYN
  • Abuuritaanka iyo ilaalinta jadwalka suuq geynta
  • La-kulanka iyo kor u dhaafida yoolka suuq geynta ee laguu qoondeeyay.
  • Fulinta iyo dhameytirka suuq geynta dhinac walba.
  • Diyaarinta iyo soo gudbinta fursadaha suuq geynta.
  • Booqashada macaamiisha si loo qiimeeyo baahiyaha kala duwan.
  • Hubinta iyo la socodka heerarka tayada shirkadda ee hawlaha suuq geynta

  •        
    Shahaadada koowaad ee jaamacadda Maamulka iyo mareynta Garanasiga, Iibka, IT, Kombiyuutar Sayniska, Isgaarsiinta, ama cilmiga la xiriira.
      • Xirfado iyo gorfayn heer sare ah iyo xirfadaha u adeegista Macmiilka.
      • Gorgortan wanaagsan iyo xirfado suuq geyn oo cilimiyeysan
      • Kalsooni buuxda u leh gudbinta iyo ka dhaadhicinta macaamiisha fariinta suuq geynta.
      • Fahan dheeraad ah u leh macluumaadka iyo hormarka tignoolajiyada
      • Jinsi kasta (Lab ama Dheddig) waa u bannaan in uu soo codsado shaqadan.

      TILMAAMAHA CODSIGA:

      • Kugu soo hagaaji CV-ga iyo Warqada Codsiga: Somlink Telecom , Tre piano Office.
      • Naga soo wac What's App Number +252640 000 006
      • Wuxuu xirmayaa Codisga: 8th March 2022